Waxa socda tirinta wareegii labaad oo ay ku tartamayaan labada musharax ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed oo la tartami doona Xasan Sheekh oo Afrika iyo reer galbeedku wataan.
Waxa goordhow la soo gabagabayn doonaa tirinta codadkaas laguna dhawaaqi doonaa. Xildhibaanada isbedel doonka ayaa raba in ay ka takhalusaan Xasan Sheekh.
Si kastaba ha ahaatee lama saadaalin karo sida marka hore ku soo kala bixi karaan Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif inkastoo uu hogaaminayo Farmaajo.
Somalida badankeeda ayaa raba in uu soo baxo Maxamed C/llaahi Farmaajo.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS