X

Wargeys caalamiya oo baahiyey in Soomaaliya siidaysay nin u dhashay Awdal oo loo qabtey xasuuqii xeebta Liido

Relatives carry the body of their kin killed in an attack at beach-front restaurant Beach View Cafe on Lido beach, in Somalia's capital Mogadishu, January 22, 2016. REUTERS/Feisal Omar

Wargeys ka soo baxa Talyaaniga ayaa lagu sheegay in xukuumadda Soomaaliya xabsiga ka sii deysay nin lagu eedeynayey inuu ka dambeeyey qaraxii dhowaan lagu qaaday goob ku taalay xeebta Liido, ee Muqdisho, taasoo hadii ay dhabowdo meelxun saaraysa eedaymaha lo jediyay Xasan Sheekh.

Sida Shalay lagu baahiyey wargeys la yidhaahdo Articolo21, oo ka soo baxa magaalada Roma, ee Caasimadda Talyaaniga ayaa lagu sheegay inay ogaadeen in nin lagu magacaabo Ismaaciil Muuse Axmed Guleed oo ciidamada sirdoonka Soomaalidu dhowaan u xidheen weerarkii lagu qaaday maqaaxi ku taalay xeebta Liido, ee Muqdisho la sii daayey.

Ismaaciil Muuse Axmed oo wargeysku sheegay inuu ka soo jeedo Woqooyiga Somaliya balse haysto dhalashada dalka Holland ayaa xogahiisa raaciyey inuu si joogto ah u booqdo guriga wasiirka Amaanka Soomaaliya Cabdirasaaq Maxamed Cumar, oo dhinaca kale uu adeer u yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh, oo walaalkii dhalay.

Inkastoo wargeyska Articolo21 aanu tafaasiil ka bixin qaabka ay ku ogaadeen siidaynta ninkaa, ama ay ka ogaadeen sirdoonka Talyaaniga.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.