Nayroobi–Wargeyska caana oo ka soo baxay Kiiniya aadna ay u akhristaan Kiiniyaatiga ayaa markii ugu horeysay qaatay magaca dawlada Somaliya u bixisey argagixisada caalamiga ah ee shabaab e UGUS. Wargeyska la yiraa The Nation oo ka hadlay xasuuqii ardeyda jamacada Gaarisa ee mideeyay Gaal iyo Muslim ayay ku tilmaameen in kooxda Ugus ay dabar go ku jirto.
Magaca UGUS oo dadka badankiisu aaminsa yihiin in uu ka gaabiyay xasuuqa kooxdu ku hayso muslimiinta ayaa dalka badankiisa uu ka hirgalay.
Wargeyska oo ka hadlayay weerar Alshabaab ku qaadeen tuulo ku taala gudaha Kenya oo la fashiliyay ayaa adeegsaday magaca Ugus, waxa ayna taasi ka dambeysay kadib markii ay sii kordheen weerarada ay Maleeshiyadu ku qaadayaan Deegaanada dalka Kenya taasi oo Warbaahinta u bidhaamisay adeegsiga Eraygaasi oo ah mid ka turjumeyso heerka ay Kooxdu ka gaarsiisan tahay qaska iyo ka hor imaanshaha amniga
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM