Wariye caan ahaa oo ku soo jirey saxaafada muddo 30 sano ah oo ku geeriyooday Nayroobi. Allaha u naxariistee M M Macalin ayaa ahaa wariye ka tirsan idaacada radiyo Muqdisho.
Wariyahan ayaa la sheegay in xaalad caafimaad ahaa loogu qaaday Nayroobi o halkas in muddo ah ku xanuunsanayay. Wariye M M Macalin ayaa ahaa wariye aad lo jeclaa burburka kadib.
Agaasimaha Telefishinka Dowlada SNTV ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay geerida Wariye Maxamed Maxamuud Macalin , waxa uuna sheegay Agaasimaha in wariyaha in mudo ah kusoo dhax jiray howlaha saxaafada gaar ahaan Warbaahinta dawlada.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS