Wariyihii hore ee idaacadii SNM ee Qudhmis ee xarunteedii ahayd Itoobiya hadana taariikhdii bugta ahayd ee SNM ka akhriya telefishanka Startv ayaa maamulka Somaliland jeelka u taxaabeen.
Startv oo ku hadasha afka xisbiga KUlmiye ayaan la garanayn waxa gacanyaraha Siilaanyo ee Maxamuud Xaashi ku qoonsadey.
Ilaa hada lama garanaayo cidda amartay xadhigiisa balse ciidamada Boolisku waxa ay ku war-geliyeen in sababta loo xidhay ay tahay arrinta Saldhiga Berbera oo uu muddooyinkii dambe si aada uga hadli jiray, waxaana uu hada ku xidhan yahay xarunta dembi baadhista ciidamada C.I.D-da.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS