Waxa cabsi laga soo sheegayaa warshadii nukliyeerka ee hadda ku taala Yukarayn laakiin markay qaraxday ku taalay dal-weynihii midowga Soofiyeeti. Khuburada ku takhasusay nukliyeerka ayaa qaba in halis ay soo socota maadaama jiraan atano fidiya.
”Haddii atamada ay sidaan u sii fidaan ama u kala baxaan oo ayna dib isugu soo noqon waxa halis loogu jiraa in marlabaad uu qarax dhaco, waxana muhiima in hadda laga gaaro ayay qabaan.
Warshadan oo qaraxdey 35 sano kahor ayaa lagu warhelay xilli subaxa, waxana halista sunta la ogaadey saacado kadib markaas oo laga daadgureeyay dadkii deganaa halkaas.
Waxa intaas kadib la saaray dabool isla goobta atamada hadda ku fidayaan ee islisku ka dhalan karo. Waxa dusha laga saaray shub weyn oo demiyay qiiqii sunta ahaa.
”Hadda sida keliya ee lagu gaari karo atamadaas ayaa ah in la dalooliyo ayay leeyihiin khuburada maadaama shub saaran yahay. Si kastaba ha ahaatee waxa la sugayaa sida wax u dhacaan maalmaha soo socda.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS