Wasiiradii hore ee arimaha dibedda ee dalkaasi Maraykanka Madeline Albright ayaa wacad ku martey in ay isku diiwaangelin doonto Muslim haddii Trump la yimaado isdiiwaangelin.
Madeline Albright ayaa iyadu ah Yuhuudiyay soo martey qoxootinimo xilligii dagaalkii labaad ee aduunka, waxayna diidey in dalka Maraykanka dadkiisa la kala sooco.
Dadka Maraykanka ayaa nacay isku dirka u Trump ka wado bulshada dhexdeeda mana ah qofkii ugu horeeyay ee ka soo horjeedsada qorshayaasha cunsuriyada ee uu wado.
Madeleine ayaa ahayd wasiirkii arimaha dibedda xilligii Bill Clinton ka talinayay dalka.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS