Wasiirka arimaha gudaha ee Jarmalka ayaa sheegay in la soo saari doono sharci madnuucaya dumarka wajiga qariya ee imanaya meelaha dadku Ku badan yihiin.
Jarmalka ayaa waxa soo galay hal milyan oo qoxooti Siiriyaana, inkastoo haweenka Siiriya ayna dhaqan u ahayn waji qarintu waxase jira haween aan badneyn oo hadda bilaabey waji qarinta.
Jarmalka ayaa waxa ka dhacay dhowr xasuuq oo ay gaysteen xagjiriin aaminsan fikrado kala duwan. Hadaba si waaxaha amnigu u ogaadaan cida dhibka gaysatey ayaa Jarmalku soo rogayaa in madnuuc tahay waji qarintu.
Waji qarinta ayaa dhaqan u ah Carabta khaliijka waxa dumarka Ku khasba argagixisooyinka caalamka ee ay idku caqiido yihiin carabta qaasatan Sucuudiga.
Wasiirka ayaa sheegay in wajiga ka mid yahay isdhexgalka bulshada.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS