X

Wasiir Ka Tirsan Dowlada Puntland oo Booqdey Degmada Taleex ee Gobolka Sool

Wafti uu hogaaminayey wasiirka wasaarada Deegaanka,Duurjoogta iyo Dalxiiska Puntland Cali Cabdullaahi Warsame ayna kamidyihiin wasiir kuxigeenka wasaarada Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Gudoomiyaha gobolka Sool, saraakiil ka tirsan hay’adda ADESO iyo madax kale ayaa maanta safar kormeer ah kutagay deegaano katirsan degmada Taleex ee gobolka Sool kuwaasoo u kuurgalayey xaalada kaladuwan ee degmada.

Waftiga ayaa tagay deegaano kaladuwan waxaana ay u kuur galayeen xaaladaha Abaaraha, baahiyaha dadka deegaanka, iyo mashaariic ay si wadajir ah deegaanka uga wadaan Wasaarada Deegaanka iyo hay’adda ADESO.

Waftigu waxay booqdeen Deegaanada Xalin iyo Dhumay oo ay ka socdaan mashaariico isugujira Biyo-celino, biyo leexino, la dagaalanka geedka Kaligii Noolaha iyo kuwo kale oo lagu badbaadinayo deegaanka iyadoo looga hortagaya xaalufka iyo dhibaatooyinka kale ee kajira deegaanada hoosyimaada degmada Taleex ee gobolka Sool.

Intii ay kujireen kormeerka Waftiga uu hogaaminayey Wasiirka Deegaanku waxay la kulmeen Cuqaasha, Waxgaradka, Xoolo dhaqatada iyo dadka ku nool deegaanadii ay booqdeen waxaana ay kala hadleen arimo la xiriira hormarinta deegaanka iyo sidii adeegyada aasaasiga ah loo gaarsiin lahaa deeganadaas

Oo mudo aanan si toos ah u helin adeegyadii loo baahnaa, Cuqaasha iyo Waxgaradka degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa soo dhaweeyey booqashada waftigan waxaana ay sheegeen inay ku faraxsanyihiin in lasoo booqdo xili ay baahiyo badan qabaan.

Waxgaradku waxay sheegeen in deegaanka ay kajirto xaalad abaar ah oo ay biyo la’aani jirto waxayna sidoo kale codsadeen in laga caawiyo la dagaalanka geedka Kaligii Noolaha “GARANWAA” kaasoo dhibaato ba’an ku haya deegaanka iyo duunyadaba.

 

admin:

This website uses cookies.