X

Wasiir ka tirsan Puntland oo shil gaari ka badbaadey: SAWIRO

Wasiir ka tirsan Puntland ayaa shil gaari ka badbaadey. Wararka ayaa sheegaya in duleedka magaalada Garoowe uu shilkani ka dhacay oo isla markaana uu khasaare gaystey.



Gaariga shilka galay ayaa waxaa la socday Wasiir ku xigeenka Wasaarada Cadaalada Maamulka Puntland Cabdifitaaax Xassan Waloore iyo masuuliyiin kale.

Shilkaan ayaa waxa uu ka dhacay meel aan ka fogeyn halka loo yaqaano 22-naad oo ah Xeradda Ciidamada Daraawiishta Puntland ee duleedka Magaalada Garoowe.



Inta la xaqiijiyay ilaa 3 Ruux ayaa shilkaas ku dhaawacantay oo uu ku jiro Wasiir ku xigeenka Wasaarada Cadaalada Maamulka Puntland Cabdifitaaax Xassan Waloore iyo laba qof  kale oo la socotay.

Goobta uu shilka ka dhacay ayaa ah Buundo labadii Sano ee la soo dhaafay uu dhismo ku socday taas oo keentay in gaariga Wasiirka mid ah  lugaha ama Taayaarada ay baxdo sidaasna uu ku rogmaday.



Dadkii shilkaas ku dhaawacmay ayaa lagu daweynayaa Isbitaalka Magaalada Garoowe.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.