Wasiir khilaaf badnaa ayaa lagu wareejiyay wasaarad aan loo baahneyn samaynteeda. Wasiirka dastuurka iyo federaalka ayaa lagu yaqaanay khilaaf waxana loo dhiibey wasaarad aan lacag ku soo kordhin Karin dalka.
Wasiir Cabdi Xoosh ayaa xilka kala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradaasi.
“Dastuurku waa sharciga ugu sareeya dalka, laga weyn maayo dal daloolo, balse waa in howl u baahan Samir, dulqaad, adkeysi iyo shaqo joogto ah, waxaana leeyahay xukuumadu wey idin garab taagan yahay” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare kuxigeenka oo intaasi ku daray in loo baahan yahay in lagu barbar wado sugida nabadgalyada iyo xasilinta si loo helo goob xasiloon oo ku haboon doorasho dadweyne.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWES