X

Wasiir ku xigeenka Masar ee yimi Hargeysa oo la ogaadey cida soo dirtey

Waxa shalay magaalada Hargeysa yimi wasiir ku xigeenka arimaha dibedda siiba qaybta Afrika ee Masar. Wuxuu isla saaka ku kalahay magaalada Berbera halkaa oo shirkada Dubay World qandaraas aan la ogeyn waxa uu salka ku hayo ku haysato.


Wasiirka ayaa la ogaadey inay soo dirtey isla shirkadaas DP World si uu indhahiisa ugu arko qaabka dekedda u shaqayso iyo qorshaha shirkadaasi ka leedahay. Shirkadan oo xiriir fiican la leh Masar ayaa rabta inay la waregto dekedaha Masar ee waaweyn.


Wasiirka oo hadley ayaa sheegay in dalkiisu danaynayo sida hawsha halkan u socoto inkastoo aanu faahfaahin laakiin uu taabtey jidka la jafjafayo ee u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera.

Wasiirkan ayaan gebi ahaanba u socon wax siyaasada la xiriira laakiin keliya fuliyay waxa DP World ka wado gobolka.

Hoos ka daawo hadalka wasiirka Masar

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.