X

Wasiir Sacad Cali Shire oo diidey qorshe ay wataan xerta Siilaanyo ku wareegsan heshiiska Berbera

Wasiir Sacad Cali Shire ayaa diidey qorshe ay wataan xerta Siilaanyo ku wareegsan heshiiska Berbera xilli labaduba ku sugan yihiin Imaaraadka hadana aanu socon wax wada hadala.



Labadan dhinac ee wasiirka arimaha dibeda maamulka Somaliland iyo xerta Siilaanyo ku wareegsan ayaa wasiirku diidey in uu saxiixo wax dan aan ugu jirin gobolka halka kooxda Siilaanyo ku wareegsana ay rabaan in uu qalinka ku duugo wixii iyagu hore ula tagen Imaaraadka lacagtana ku qaateen.



Saylici ayaa loo kaxaystey in uu goobjoog ahaan meesha u tago wax shaqo ahna Kuma laha heshiiskan waxna kama oga waxa kaliya oo uu halkaa u tagey in uu dhac dhac helo heshiisiiyana labadan garab.

Imaaraadka ayaa u sheegay labadan garab in ay meel isugu soo biyo shubtaan kadibna berito ula yimaadaan wax ay saxiixi karaan. Heshiiskan ayaa waxa damaanad qaadey Ingiriiska.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.