Wasiirada caafimaadka Marwa Foosiya ayaa ku dhiirigelisay muwaadiniinta Somaliyeed inay qaataan talaalka cudurka Karoona ee ay sameeyeen shirkadaha Ingiriiska iyo Iswiidhan ee loo yaqaan Astrasenika.
Talaalkan ayaa hadda waxa qaatay ku dhawaad 17 milyan oo isugu jira Ingiriis iyo wadamada aduunka. Inkastoo talaalkani ay wadamada reer Yurub hakiyeen haddana ururka caafimaadka wuxuu yiri waa amaan. Waxse jira dad la sheegay in dhiig guntan ay ka qaadeen.
Wasiirada ayaa dadka uga digtey inay dhegeystaan wararka aan salka lahayn ee aan ku dhisneyn ilmiga iyo aqoonta. Wadamada badankooda ayaa talaalka u joojiyay si uuna Ingirisku uga helin lacag saaida xilli lagu jiro Karoona iyo lacag yari.
C/llaahi Warhaye
ARAABINEWS