X

Wasiirada ismaamulka Somalida iyo qabiilada ay ka soo kala jeedaan

Wasiirada cusub ee ismaamulka Somalida iyo qabiilada ay ka soo jeedaan. Guud ahaan waa 24 wasiir iyo laba maareeye. Qabiilka Ogaadeen waxa jufo jufo hoose loo siiyay madaxweynaha maamulka, wasaaradaha biyaha, hawlaha guud, ganacsiga, kahor taga masiibooyinka, qurbajoogta, maareeyaha Dakhliga iyo cadaalada.

Isku goyn Ogaadeen waxa la siiyay 8 wasiir oo ay u dheertahay inta badan laamaha amniga.



Qabiilada Ciise iyo Gurgure

Waxa la siiyay madaxweyne ku xigeen iyo wasaaradaha Caafimaadka iyo Jidadka. Halka Gurgure la siiyay Shaqaalaha. Guud ahaan waa 4


Qabiilada kale ee Daarood sida Jidwaaq oo Jigjiga ka degan hal xaafad waxa la siiyay 4 wasiir halka Majeerteen, Dhulbahante, Geri Koombe, Maalin-guur iyo Gure iyagana la siiyay min hal wasiir halka Garre iyagana la siiyay laba wasiir. Tirada guud waa 11

Qabiilka Gadabuursi

Inkastoo tiro ahaan ay yihiin qabiilka labaad ee ugu badan deegaanka hadana waxa la siiyay hal wasaarad oo ah Xeer ilaalinta


Qabiilada Isaaq, Gabooye, Shiikhaal iyo Hawiye aya iyagana min hal wasiir qaatey sida wasaaradaha farsamada, dalxiiska iyo Sayniska oo Hawiye ah.

Inkastoo waasiiradan la ansixiyay waxase jira diidmo ka timi sida saamiga loogu qaybiyay.

Soo diyaaintii Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.