Wasiiradii shalay la magacaabay ayaa la dhaariya. Wasiirada shalay buuxiyay boosas banaanaa ayaa ku soo baxay war saxaafadeed shalay ka soo baxay xafiiska raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa wasiirada cusub kula dardaarmay iney si sax ah shaqadooda u gutaan.
“ Golaha shacabka waxa uu furmi doonaa 10-ka September wasiirada xildhibaanada ah waxa ka rabnaa iney kulamada golaha soo xaadiraan oo ay labada shaqo si wanaagsan u gutaan” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.
Mudanayaasha maanta la dhaariyay waxa ay kala yihiin:-
1. Mudane C/llaahi Goodax Barre Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare.
2. Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha.
3. Mudane C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim (Baqdaadi) Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya.
4. Mudane Saqar Ibraahim Cabdalle Wasiir ku xigeenka Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha.
Tirada wasiirada xukuumada Xasan Cali Kheyre ayaa xad dhaafa ayadoo la qaylinaao in la yareeyo wasiirada aan waxba soo kordhineyn lacagta ku baxaysana loo weeciyo adegyada kale.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS