X

Wasiirka arimaha dibedda Eriteriya oo gaaray Muqdisho iyo su’aal uu ka jawaabayo

Waxa mardhow Muqdisho soo gaaray wasiirka arimaha dibedda ee Eriteriya. Booqashada wasiirka oo aan hore loo shaacin ayaa timi xilli wasiirku booqdey Hargeysa halkaas oo la sheegay inuu u adeegayo Imaaraadka kana bilaabeyna danahooda. Socdaalka Eriteriya ayaan ahayn mid u dana Somaliya.


Imaaraadka oo gaalo dhan dabada ku wata ayaa si xoogan ugu hawlan inuu wiiqo jiritaanka Somaliya iyo dawladnimadeeda asagoo isticmaalaya waxgarad Somali ah oo shilimaad la siiyo.

Wasiirkan oo booqashadiisii Hargeysa aan warbixin ka siin dawlada Somaliya ayaa la filayaa inuu cadeeyo cida soo diretey xilli Somaliya qayb weyn ka qaadatey in laga qaado cunaqabataynta saran dalkiisa.


Si kastaba ha ahaatee waxa la filayaa waxa ka soo baxa kulankan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.