Wasiirka arimaha dibedda Somaliya oo Ka qayb galay Shir uu Ku baaqay horjoogaha Butlaan Siciid Deni oo Ka furmay Garoowe ayaa Axmed Cawad Ku furtuurey Siciid Deni. Ujeedada shirkan loogu magacdaray wadatashiga Butlaan ayaan la garanayn marka horeba.
Wasiir Axmed oo ka jawaabay eedayn uga timi horjooge Siciid Deni ayaa sheegay in Butlaan wax gooni ah rabto, taasina ay tahay wax aan la aqbali Karin.
“Waxa nagu jira tuhun ah in aad si gooniya wax u rabto, Isla markaana dhinaca kale Butlaan sheeganayso inay tahay hooyada federaalka. Waxa noo raacda in aad markasta aad diyaarad nagu dulmaryo adoo u socda Kiiniya ayuu yiri Axmed Cawad.
Marka waxaan kaa rajaynaynaa inaad Xamar noogu timaado oo aan Ka wada xaajoono wixii tabasha ee jira.
Xuseen Warsame ayaa isagu qaba in marka hore la helo Butlaan wadajira kadibna loo gudbo wixii tabasha ah laakiin mowqifka Siciid Deni cidna kuma raacsana waxana intaas u dheer inuu heel Ku giro beelaha la wadaaga maamulka ee diidan mowqifkiisa.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS