MuqdishoâWasiirka cusub ee arimaha dibedda Dr C/salaam Hadliye ayaa la kulmay safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho. Kulankan oo la isku dhaafsaday aragtiyo ku qotama xaaladda dalka iyo gobolka geeska Afrika,ayaa looga baaraan-degay xiriirka dhinacyada badan leh ee labada dowladood u dhaxeeya iyo qaabkii lagu horumarin lahaa.
Fadhigani oo ay goob joog ka ahaayeen qaar ka mid ah saraakiisha Xafiiska Wasiirka,ayaa lagu falan-qeeyay fulinta barnaamijyo horumarineed oo dalka wax ku ool u ah.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS