Wasiirka batroolka ayaa sheegay inuuna ka qaybgalayn shir ay shirkad Ingiriiku leeyahay ku qabanayso Kiiniya oo looga hadlayo batrool baarista. Shirkadan ayaa lagu eedeeyay musuqmaasuq waxana qayb ka mida ahaa RW Xasan Kheyre.
Maalmihii dambe warar lagu faafiyay baraha bulshada ayaa waxaa lagu sheegay in wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xasan Khayre ay ka qeyb galayaan shirka ka dhacaya magaalada Nairobi.
C/rashiid Maxamed Axmed Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay ka Wasaarad ahaan in aysan shaqo ku laheyn shirka, go’aankiisa ugu dambeeyana ay leedahaya Dowladda.
Wuxuu kaloo sheegay in hada aysan qorshe socda oo ku aadan in Dowladda Federaalka ay ka qeyb galeyso shirka baarista shidaalka oo qaban qaabadiisa ay leedahay shirkadda SOM & OIL Gas.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS