Wasiirka dastuurka Xoosh ayaa sheegay cida ah ku simaha afhayeenka barlamaanka. Arrintan ayaa ka dambeysay markii ay dood ka dhalatay hadal ka soo yeeray C/wali Muudey oo ahaa inuu yahay Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
C/raxmaan Xoosh Jibriil sheegay in C/wali Muudey uu yahay Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka, maadaama Mooshin uu ka yaallo Guddoomiye Jawaari.
Wasiir Xoosh oo mar walba dood ka keena arrimaha sharciyada ee la isku qabsaday ayaa waxaa uu jideeyay in C/wali Muudey yahay Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka, markii qaar ka mid ah Xildhibaanada ay ka hor-yimaadeen.
“Sida ku xusan Qodobka 8-aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka, wixii ka billowday bisha Maarso 18keedii, Mudane Cabdiwali Muuddeey aa ah kusimaha Afhayeenka Golaha Shacabka, maadaama uu Mooshin ka yaal Mudane Jawaari.
Waxaa markhaati madoontaan ah in hayadaheenna dowliga/Dastuuriga ah eey qaan gaareen”. Ayuu yiri Wasiir Xoosh oo ka mid ah Wasiirada Xukuumadda, balse aan Xildhibaan aheyn.
C/llaahi WArmooge
ARAABINEWS