X

Wasiirka koowaad mudane Cumar C/rashiid oo tacsi u diray qoyska marxuun Cilmi Rooble (Cilmi Kabaal)

Raiisal wadsaaraha Somaliya Cumar C/rashiid Sharmaake ayaa tacsi u direy qoyska u ka baxay marxuun korneyl Cilmi Rooble Fure (Cilmi Kabaal) oo daraad ku geeriyooday isbitaal ku yaal dalka Talyaaniga. Warsaxaafadeed ayaa u qornaa sidatan.

“Geeridu waa xaqa, qof walbana waa dhimanayaa. waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Cilmi Rooble Furre oo ku geeriyooday dalka Talyaaniga, waxaana ilaahay uga baryeeynaa inuu Kitaabkiisa ka siiyo gacanta midig, kana waraabiyo Janatul Firdowso, ” ayuu yiri RW Cumar

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu aad uga murugooday markii uu maqlay geerida marxuumka oo hada ahaa hogaamiye dhaqameed. wuxuuna ilaahay ugu baryey inuu samir iyo imaan ka siiyo dhamaan intii jeclayd.

—DHAMAAD—

Waaxda Warfaafinta
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Muqdisho, Soomaaliya
Media@opm.gov.so

 

admin:

This website uses cookies.