X

Wasiirka waxbarashada maamulka Somaliland oo wada qorshe ka duwan qorshihii deeqaha hore loogu qaybsan jiray

Wasiir C/llaahi Dheere ayaa lagu soo waramayaa in uu wado qorshe ka duwan qorshihii lagu qaybsan jiray deeqaha dalalka jaarku bixiyaan ee waxbarashada oo markii hore si eexa loogu qaybin jiray degmooyinka Hargeysa iyo Burco iyadoo la adeegsanaya magaca Somaliland ee balaadhan. Wasiirka ayaa lagu waramayaa in uu didey in go’aan cad ka qaato nidaamka cusub oo lagu sheegay in si cadaalada loo qaybsanayo dhamaan magaalooyinka ka tirsan magaca Somaliland.

Xilliyada la xisaabinayo dugsiyada shahaadiga ah ayaa inta badan la soo saaraa liisto ay u badan yihiin degmooyinka Hargeysa iyo Burco oo ka dhigan in ardaydaas kaliya u baxayaan deeqaha la helo.

Ma jiro in wali nidaamka cusub la soo bandhigui doono iyadoo durba ay qayla dhaan ka direen saxaafada maamulka Hargeysa kuna tilmaamay in nidaam xun la soo wado. LAMA HUBO inuu isagu wato qorshahan cusub iyo in uu wato ku xigeenkiisa Axmed Nuur Faahiye.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.