X

Wasiirka waxbarashada iyo waxa laga yeelayo ardeyda Butlaan

Wasiirka waxbarahada dawlada dhexe Goodax Barre ayaa markale ku celiyay in ardeyda Butlaan heli doonin shahaadada dugsiyada maadaama ayna u fariisan imtixaanka dawladu qaadaysay. Wuxuu kale sheegay in horjooge Siciid Deni iskala weyn yahay Somalida inteeda kale.


”Shahaadada dugsiyada maaha xataa manhajka qaranka ee ay qayb ku lahaayeen ayuu diidan yahay horjooge Siciid Deni ayuu yiri Goodax.

”Siyaasada hala dhaafo ardeyda ayaan leehay waxani waa mustaqbalkoodii ee maaha kiinii ayuu yiri wasiir Goodax.

Labada horjooge ee Axmed Madoobe oo Kiiniya wadato iyo Siciid Deni ayaa Muqdisho u tagey inay arimo hoose kala xaajoodaan dawlada dhexe, ayagoo haba yaraatee aan waxba ku kordhin wixii la sheegay inay u tageen ee naftu ku qasabtey.


Shahaadada ardeyda ayaa la sheegay in horjooge Siciid Deni kala hadley madaxweynaha. Lamase garan karo sida shahaado lagu siinayo ardey aan fariin imtixaanaadka qaranka.

” Jufo kasta imtixaan gooniya ma qaadi karto ayuu yiri taasina waa tafaraaruq

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.