X

Wasiirka waxbarashada oo sheegay inay jiraan 400 ardey oo ku xaniban Turkiga iyo sababta

Wasiirka waxbarashada ayaa sheegay inay jiraan 400 oo ardey Somali ah oo ku xaniban Turkiga. Ardeyda Turkiga tagta ayaa intooda badan isku daya inay ka sii gudbaan marka ay waayaan waxay ay filaayeen.


Wasiir Goodax ayaa sheegay inuu ka soo noqdey Turkiga halkaasna ku soo arkey ardey gaaraya 400 oo Somali ah oo xaniban markaan baarayna Turkidu ii sheegeen in jaamacadaha ay sheegayaan ayna jirin oo ay bug yihiin.


Jaamacadaha ardeydan dhacay waxay ku yaaliin Muqdisho waxana jirta in aan lagu magacaabi karin jaamacado. Xataa Turkida ayaa ogaatey in jaamacad ku sheegan ay bug yihiin.

Waxbarashada Somaliya ayaa ka mida goobaha la bililqaystey ayadoo ardeyda loo dhigo wixii la rabo lagana gurto boqolaal doolar.

Ardeyda ayuu sheegay in dhamaantood ay rabeen inay bilaabaan waxbarshada jaamacada heerka labaad.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.