Wasiirkii arimaha gudaha ee la eryay ayaa ka hadlay sida uu ku maqley eryidiisa. Cabdi Faarax oo ku magac dheer Juxa ayaa ka mida sadex wasiir oo RW Xasan Kheyre saaka eryay.
Juxa aya sheegay inuu madaarka ku socdey si uu u abaabulo booqashada Farmaajo ku tagayo Puntland kadibna uu idaacada ka maqley in xilkii laga qaaday.
Wuxuu wasiirkii hore intaa ku darey inuu xilku yahay wareegto oo nina dhaxal u lahayn. Wuxuu amaaney madaxdii xilka u dhiibtey.
Waxaan soo dhoweynayaa Wasiirka xilka igala wareegaya, waana ugu ducaynayaa in Ilaah Shaqada ku asturo.
Waxaan bogaadinayaa dhammaan intii ila soo shaqaysay, gaar ahaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Golihii Wasiirada aan ka midka ahaa, shaqaalaha Wasaaradda, Hay’adaha Caalamiga ah iyo dhammaan asxaabtii aan shaqada iyo Shaashadaha isku baranay.
Dalku waa Federaal, taladu waa wadaag, Dantuna waa isku tolan, xataa haddii fekerka lagu kala duwan yahay.
Raali gelin iyo Cafis dhammaan intii aan qoobka isaga istaagnay intaan xilka hayay feker ahaan iyo shaqo ahaanba.
Guul iyo Gobanimo dhammaan
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS