Illahay ayaa mahad leh isurto galiyey in an maqalkan qoro .
maqaalkan ayaanu idinkusoo gudbin doonaa talooyin muhiima iyo talaabooyin kuu suurto gelinya kasbashada kalsoonida naftaada.
Ugu horeyn waa maxaay kalsoonida:
Kalsoonida nafta waxa ay kugu dhiirrigalisaa in aad soo bandhigto fikirkaaga, wadaagnna aad galin karto, talo wadaag kolkii ay noqotana aad talada tii saxda ah ee waddarta guud ay isku raacaan in aaddan ka biyo diidin.
Waa maxay kalsoni daradu:
1. in uu qofku naftiisa ka dhaadhiciyo kolka horeba,in anu waxba qaban karin .
2. in uu iska dhadhiciyo , in u yahay qof liita oo an dadka la janqadi Karin.
3. In uu noqdo qofka baqa so bandhigaa fikirkisa
4. In u ka baqo ka jawaabista su,aalaha uu garanyo
5. In uu hamigisa ka tana suulo, isga oo ka baqanaya guul daro ku timada.
6. Wuxu ka baqa guusha , iyo in u meel sare gadho.
Qofku sidee ayuu kalsoni u aburan kara maxase laga bahanyahay in uu sameyo.
Qodobadan ayaa laga yaba in ay ku cawiyaan Insha allah
1. Qofku in uu unoqdo Allehii Abuuray isna waydiiyo maxaa laguu abuuray FAA’IDO MISE KHASAARE U JOOG.waa in uu Alle ku xidhnaadaa oo uuna ka caajisin wanaaga Alle faray xumaantan ka dheeraadaa.
2. :Raja sami ku noolow wakhti kasta wanaag ku muuji wax kastoo ka dhaca hareerahaaga, iyo hiigsihaga nololeed.
3. Waa in uu qofku runta isku sheegaa oo kabaxaa khiyaaliga uu tusaayo Nafta run ka sheeg ujeedooyinka aad u nooshahay iyo wax qabdkiisa nolol maalmeed.
6. Fikradahaaga iyo wax qabadkaaga cadee oo tusdadka kana dhaadhici ama iibgee oo ismuuji in aad tahay qof lagu xisaabtamaayo oo la dareemi karo marka aad maqantahay iyo marka aad joogtidba
7. Ahow qof nool muuji dareenkaaga dhegeyso,jidh ka hadal,aamus,tilmaan,ilmay,qosol. intaas oo dhami wax bay kuu sawiri doonaan naftaadan la sheekayso taas macnaheedu wax weeyi maskaxdaada kaasho adigoo dagan.
8. Nafta ha mashquulin oo dadku wax ay kaasheegaan haku mashquulin sababtoo ah wakhti ayaad iska luminaysaa kana faa’idaysi wakhtiga aad haysto mar uuna ku soomarayn ayaa imanaysa.
9: Qof isku kalson oo an fikirda dadka kale qadaan , Balse is barbar dhig ku samee iyo qiimayn si ay kuu tusto in kaagu kafiican yahay ama kani kaafiican yahay oo aad fikir kale oo fiican raadisaa.dhiibona firikaaga kulamada aad ka qayb gasho ama marka aad la joogtid asxaabtaadad.
10. Ku dadaal in aad naftaada Qanciso, raalina noqo, xasiloonidana ilaali noloshaadana wanaaji oo ku dadaal sidii aad qayrkaa wax uula qabysan lahayd
Talo soo jeedin.
1. raadi isbedel joogta ah
Akhris ka Qur,aan badi iyo buugaag aad wax badan ka fa,iidaysid:
3. haddaad jeceshahay inaad kordhiso kalsoonida naftaada isku day inaad akhrido buugaag badan gaar ahaan kuwa ka sheekeeya toosnanta qofka ,wacdiga diiniga,iyo horumarinta qofka . shaki kuma jiro in akhrinta buugaagta ay saameyn taban ku leedahay kalsoonida qofka , fadlan iska ilaalli inaad akhrido buugaagta ay ku qoranyihiin sheekooyinka khiyaaliga ah kuwaas oo kugu reebi kara xasuuso xun xun iyo warweer.
naftaada kalsoni u muji.