Sidii hargabka Shiinaha ka bilaabmey uu aduunka kale ugu faafay waxa la maqlaa gacmaha iska maydha xilli kasta oo aad taabataan meel laakiin laguuma sheego in aad moobilkaaga iska nadiifiso markale.
Qofku wuxuu markasta gacanta ku hayaa moobilka oo hadda noqdey shay nolosha u muhiima oo marka ugu yar lagaala soo xiriiri karo ama aad dad kala xiriiri kartid. Mase ogtahay inuu yahay moobiilku aabaha keydiya wasakhda.
”Qofku wuxuu taabtaa moobilkiisa ilaa 50 jeer maalintii markasta waxa ku korodha wasakhda ka soo raacdey gacantaada. Haddii aad gacantii dhaqdo xilliga salaada ama aad cunto u fadhiisato ogow moobilkii welli wasakhdii ayaa ka buuxda.
Sidee loo nadiifin karaa moobilka
Way badan yihiin waxana ugu fiican maro nadiifa oo aad biyo kulul ku dhaqdey inaad ku masakhdid, dabcan si fiican uga marooji biyaha. Waxa kale oo aad istcmaali kartaa haddii laga helo dalka aad joogto marooyinka lagu sifeeyo muraayadaha indhaha.
Sidoo kale warqada gacmaha la isaga tiro ee afka qalaad lagu yiraa tiishuu waad isticmaali kartaa. Waxa moobilka la mida dhamaan aaladaha casriga ah ee dadku isticmaalaan sida laabtobyada, Kambiyuutarada iyo wixii la mida.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS