X

Waxa noo qorsheysan inaan dayaxa ka degno 2023: ERDUQAAN

Madaxweynaha Turkiga ayaa maanta furey xarunta qaranka ee hawada sare kuna dhawaaqay in qorshaha ugu jirto in Turkigu noqdo wadankii ugu horeeyay ee Muslima ee gantaal ay leeyihiin uu qaado dayax gacmed ay sameeyeen.


Motoorka loogu talogalay inuu duuliyo gantaalka qaadaya dayax gacmeedka ayaa waxa iska kaashadey Turkiga iyo Yukarayn, haddase Turkigu wuxuu iskii u wadaa motoor xoogan oo qaada dayax gacmeedka gudahana lagu sameeyay.

”Waxaan aaminsanahay in sanad guurada boqlaad ee dalka ee 2023 inaan dayaxa ka degno ayuu yiri Erduqaan. Waxaan ku qanacsanahay in khuburada Turkigu fulin doonaan hawlgalkan ayuu raaciyay Erduqaan.


Turkiga ayaa xawli aada ku socda dhinaca milatariga taas oo ka yaabisay xataa dawladihii gaalada ah ee awal ay hubka ka iibsan jireen oo hadda iyagii ka iibsanayaan.

”Waxa kale oo noo qorsheysan inaan tartan ku galno samaynta dayax  gacmeedada iyo motoorada qaada, isla xilligaana aan qofkii ugu horeeyay u dirno isla dayaxa ayuu ku daray Dayib Erduqaan oo fahmey micnaha ay leedahay in gaalada lagula tartamo sancada.


Waxa kale oo Turkiga gebo gabo u ah dayax gacmeedka milatariga loogu talogalay taas oo Turkigu ku ogaan karo dhaqdhaqaaqa ciidan ee cadow. Waxa dayax gacmeedka noocaaasa haysta keliya dhowr wadan oo Iiraan ku jirto.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.