X

Waxa xerada Xalane jooga hay’ado khatar ku ah dalka: wasiirka qorsheynta

Wasiirka qorsheynta qaranka Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in xerada Xalane ee Muqdisho ay degan yihiin ajaanib halis ku ah dalka.

“Waxyaabo farabadan ayaa dalka soo gala hadey noqon laheyd deeqo ama mashaariic hey’adahaas caalamiga ah ayaana gacanta ku haya, waxaad arkeysaa xildhibaan ama wasiir doonaya si deegaankiisii uu mashaariic uga fuliyo u tagaya halki uu hay’adaha dawlada mari lahaa.


“Mararka qaar waxay dhibaato weyn ka dhalataa inay deegankooda u daba fariistaan hey’adahaas, meeshii laga rebay in wasaaradda shaqadaas iska leh ay u yeerto oo kula xisaabtanto hey’addii shaqadaas qabatay.”


“Waxaan rabaa golaha in aan ka hor cadeeyo wadankan waxaa jooga 132 hey’adood oo caalami ah, waa inta aan ognahay, intooda badana waxa ay qabtaan shaqooyinkii looga baahnaa hey’adaha dowladda, marka waxaan u baahanahay sharci kala cadeynaya meesha ay ka bilaabaneyso shaqada hey’adda aan dawliga aheyn iyo meesha ay ku egtahay iyo sidii ay hey’adaha dawladda ay ugu wareeji lahaayeen shaqooyinka ay qabtaan.” Ayuu yidhi wasiir Jamaal.

Hadalka wasiirka ayaa cadeynaya in dalka hay’ado caalami ah ay cunaha ku dhegan yihiin.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.