X

Waxaan arki wayney Hargeysa wax u dhaqdhaqaaqa maalinta xoriyada 26 Juun markaasaan kacney: Sahra Halgan iyo faalada xoriyada

Hargeysa–Iyadoo lacagta ugu badan lagu bixiyo Hargeysa maalinta aan jirin ee 18 May oo beesha dhexe qaar ka mida siyaasiyiintoodu ku dibiro dhacsadaan ayaan maanta 00 26 Juun ah ayna jirin Hargeya wax dhaqdhaqaaa oo loo sameeyay maalinta ka weyn ee Ingiriisku xoriyada siiyay Somalida Woqooyi.

Sahra Halgan oo qaybweyn oo kicina ka qaadatay dagaalkii jufadeedu kula jirtey dawladii qaranka Somalida ayaa sheegtay in ay is xilqaantey oo ay garatey in maalintan weyn aan laga aamusi karin.

Maalintan 26 Juun oo Ingiriisku xiligaa siyaasadeeyay si uu Somali u kala jabiyo una abuuro dawlado yaryar ayaa Somalidii Woqooyigu calankoodii buluuga ahaa ay geeyeen Koofurta oo Talyaanigu joogey.

Kooxdii Ingiriisku dabada ka waday ee SNM ayaa burburkii dawladii dhexe sheegatay maadaama ay siyaasiyiintoodu waayeen kursiga raiisal wasaaraha oo ay dareensan yihiin in iyagu reer Woqooyi yihiin kana mudan yihiin reer Woqooyiga kale,, ay sheegtaan in ay ka go’een Somalida inteeda kale.

Inkastoo madaxweynihii ugu horeeyay ee SNM yeelato C/raxmaan Tuur uu sheegay in ay ka noqdeen goosadka,,waxa aad u caawiyay burburka xoogan ee ilaa hadda wali ka jira Koofurta Somaliya taas oo keentay in taageerayaasha gooni goosadka ay sii xoogeystaan.

Boorama ayaa sidoo kale huruda sidii caadiga ahayd iyadoo inta badan ayna jirin wax dhaqdhaqaaqa maalintan weyn ee Somali badan u dhimatay xataa lagu weeraray diyaarado,,oo loo aanaynayo in ayna jirin cid ka madax banaan lacagta uu bixiyo Ramaax.

Siyaasiyiintii reer AWdal ayaa iyagu ahaa kuwii Ingiriisku faraha ka saaray xoriyada waxayna ahayd in reer AWdal hogaamiyaan maalmahan oo kale,,waxase jirta sida kor aan ku xusey.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.