X

Waxaan bixinay deyn lagu lahaa dawladii Xasan Sheekh: RW Xasan Cali

Raiisal wasaaraha Somaliya ayaa sheegay in dawladiisu ku guulaysatey inay bixiso deyn lagu lahaa dawladii Xasan Sheekh. Deymahaas oo intooda badan loo isticmaalay hab siyaasadeed oo Xasan Sheekjh rabey inuu ku soo noqdo laakiin markii dambe fashilantey.


ā€¯Waxaan bilowney hab noo fududeynaya inaan bixino deymahaas mudada aan hayno xilka ee labada sano ayuu yiri Xasan Cali Kheyre oo raaciyay in deymahaas ay lahaayeen dad heshiisyo gaara la galay maamulkii Xasan Sheekh iyo shaqaalaha dawlada.


Waxa si toosa loo bixiyaa mishaharka ciidamada diiwaan gashan ayadoo dhawaan ay jireen ciidamo dharka dawlada xiran oo sheegay inay bilaa mishahar loona soo abaabuley hab beelaysan maadaama ay ahaayeen maleeshiyo beeleedyo u dhashay deegaanada Muqdisho u dhow.

Guushan deymnaha ayaa imaanaysa ayadoo dawlada lagu amaanay habsami u maamulka dakhliga soo gala dawlada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.