X

Waxaan guryaha isaga duminay maahayn in hal koox noolaanto maamulkana Siilaanyo kama taliyo: SIIRO

Waxaan guryaha isaga duminay maahan in hal koox noolaanto maamulkana Siilaanyo kama taliyo. Sheekha Aadan Siiro ee reer Hargeysa ayaa hadda ogaadey in Siilaanyo ka talin maamulka uu ku magacaaban yahay ee waxa ka talisa koox.

Halgankaasi wuxuu ahaa Halgan Ummadeed oo Dadku doonayeen inay Xornimo ku helaan, laakiin Koox ayaa ka faa’ideysatay, kuwaasi waa kuwa aynu ognahay ee qaarkood Maanta Xajka jooga, ee u baxay Cumrada, iyadoo aynu leenahay sida la idiinka aqbalaa way adag-tahay ayuu yiri Siiro.



Laakiin waxa Maanta jira (Somaliland) Niman kooxo ah oo isku xidhan, oo marka Qandaraas la bixinayo wax isku og, ee marka Imtixaanka (Shaqada loo gelo) laga qaadayo Ardaydii dedaashay ee Jaamacadaha Muddada dheer fadhiday natiijada Imtixaanka wax ka beddela, imika waxa Internet-ka ku jira Qofkii u soo baxay Shaqada oo toos Qof kale loogu beddelay, waa kooxahaa waxaa sameeya.”



Wasaarad walba nin baa goostay, Waayo? Awooddii Madaxweyne-nimo ayaa innaga itaal-daraysay, markaa waa in Doorashada la dedejiyo Ciddii doontaa ha soo baxdo’e,

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

 

admin:

This website uses cookies.