X

Waxaan ogaadey in dadku xataa quus joogaan: ARAG oo dhaaf waa halkee

Sida aynu wada ogsoon nahay masiibooyinka ka dhaca dunida guudkeedu waa mid illaahay dadka ku ciqaabayo,iyo mid dadku gacmaha ku keensado oo ay abuuraan,iyadoo aynu ognahay mudooyinkan danbe abaaro lixaadleh oo soo noqnoqda inay ka dhacayaan wadanka taasoo inta badan ku arkayso warbaahinta.

Jawaabo daciifa oo illaahay looga fogaanayo ay dad masuuliyad sheeganayaa ku hadaaqayaan,waxaanu  gargaar weydiisanaynaa deeqbixiyayaasha inaynaga soo gaadhaan abaaraha,nagu habsaday .

Sida runtu tahay gargaare waa illaahay isaga ayaana deeq-bixiye ah isaga ayay tahay in la baryo oo loo noqdo oolaga toobad keeno dunuubta aynu gelayno maalin walba.Waxaan kaga hadli doonaa maqaalkan masiibo taas la mida oo aad moodo in indhaha laga qarsanayo,

Waxaynu in badan aragnaa kuray yaryar oo inta ay caagadaha sharaabka laga cabo batrool iyo xab-ag isku daraan nuugayo ama cabaya oo meelahaas gidaarada ku darxumaysan,inamadaas yar-yar ee qabatimay jaqida xabagta ayaa waxaa dhaqan u noqotahay in farasmagaalaha dhexdiisa weliba goobaha sida xaamiga ah uga socdo ganacsigu.

Intay ku gataati-dhacaan ay ku toosi kari waayaan milicda kulul ee cadceeda,Ninkii nool maxaa aragti u laaban waxaa taas kadaran dhacdo naxdin leh oon maalin dhoweyd kala kulmay farasmagaalaha dhexdiisa taasoo xanuunkii ay igu dhalisay igu kaliftay inaan bulshada u soo gudbiyo.

Waxaan goor galabnimo ah anigoo dhexlugaynaya magaalada dhexdeeda mar kaliya ku naxay koox hablo ah oo si wadajir ah intay u dhaansadeen caagadahaas sharaabka jiidaya,waxay si aan xidhood lahayn ugu wada marqaamayaan  xabagtaas balwada u noqotay,waxaa isku dayey inaan isha la raaco oon hubiyo xaalada ay ku sugan yihiin.

Hablahaas qaar ka mida jidhkoodawaxaa ka muuqda diif iyo daal halka qaar kamidi ay illa dhogor wanaagsanaayeen.Mid ka mida hablahaas waxay horaadada jaqsiinaysaa ilmo yar ooy dhabta ku haysato.

Mid iyada la wadaageysay ayaan eegay iyana waaba xaamilo,way sheekaysanayaan ooy faraxsan yihiin kama qasna,hablahaas dadoodu kama weyneyn 18 sano,siday usheekaysaneyeen ayaa laba kamid ahi afku ka xumaaday kadib markii lacag ay isku lahaayeen mid ka mid ahi dafirtay tii kale.

Waxaan halkaasi ka ogaaday in xabagta cabisteeda ay u weheliyaan falal kale oo tuugonimo ku jiro.Si kastaba ha ahaatee sidaan u xuuraansaneyey ayay mid ka midi aragtay anigoo xagoodaku maqan kolkaasay intay indhaha igu gubtay tidhi saaxiib maxaa kuu daran intaan naxay ayaan isaga dhaqaaqay.

Goobta hablahaas yaryari xabagta ku cabayaan waa meel wado ah oonay cidna ka baqayn oo weliba cid waliba marayso haba ugu daraadeen caruurtuye.

 Anigoo argagaxsan ayaan halkii ka dhaqaaqay waxaan tegay maqaaxi aad u camiran oo shaaha laga cabo ooy fadhiyaan dhalinyaro aanu sheeko wadaag nahay waxaan uga waramay dhacdadii aan la kulmay.

Mid ah ayaa yidhi horta ninyahow maxaad isaga dhigtaa sidii nin shalay wadanka yimid waar illaa guryahaa lagu cabaa isagood moodo inuu ka badbadinayo,mid kale oo kaasi igala fikir liitay ayaa yidhi saaxiib arag oo dhaaf haddii aad u fiirfiirsato waad ku waalandoontaa,meeshan soomaalilaand ayaa la yidhaahdaa, waxaas iyo wax ka daran ayaanu aragnaa oon cidina waxba ka qabaneyn.

Waxaan ogaaday in dadku xaataa ay quus joogaan oonay jirin cid ay ku jirto hami  ah in arinkan wax laga qabto,sidaanu halkii u fadhinay ayaa waxaa goobtii soo maray gaadhi sameecado ku rakiban yihiin oo ka baxayo quraan sheekh sudaysi akhrinayo,oo laga leeyahay xafiiska gudiga xumaan reebista iyo wanaag farista.

Goobta hablahaasi xabagta ku marqamayaan waxaa uu xafiiskaas iyo masaajidka jamaca badan ee Cali mataan u jiraa wax ka yar boqol mitir.

 Waa wax lala yaabo in dalka ay ka jiraan boqolaal xafiisyo iyo hayado sheegta in hawshoodu tahay wax uqabashada umadda ,iyadoo wadooyinka magaalada dhexdeeda aad ku arkayso boodhadh ururo haween iyo dhalinyaro oo ku mana sheegta inay wax u qabtaan dadkaas nolosha ka dhacay.

 Hayadhii sharciga ee arinkan gacanta ku qaban lahaa oodmoodo inay seexdeen. Nidaamkii  kacaanka ee dalkan ka arimin jirey waxaa uu caruurta caynkan oo kale ah u sameeyay meelo wax lagu baro taasoo dhalisay in kumaankun caruur ah ay ka aflexeen iyadoo loogu yeedhi jirey kuleejada agoomaha.

Iskadaa in soomaalilaand kuleejooyin ku xareysee tii  agoomaha loogu tala galay ooy dhistay dowlada Kuweyd ayaa inta lacag laga dhigay lagu camiray caruurta wasiirada iyo kuwa lacagta haysta oo weliba si reernimo ah la isugu habar-wacday, waa nasiib.

Mar haddii nidaamkii dowliga ahaa waxba ka qabanwaayey ceebtan iyo xumaantaan ma waxaynu garanweyney islaamnimo ha loogu gurmado,mise waxaabay joogtaa sidii qoladii loo tukaday salaad jinaasada islaamnimadoodii dhimatay.

WAA QALINKII; XUSEEN SCIID-MATAAN.

admin:

This website uses cookies.