X

Waxaan qabaa in Ramadaan bilaaban doono Jimcaha 24 Abril: Khabiir xidigaha ah

Ayadoo ummada Muslimka ah ay isku diyaarinayaan soona dhawaynayaan bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa dalkasta oo mislima bilaabaan soonka marka ay dawladoodu u iclaamiso marka laga reebo muslimiinta jooga wadamada gaalada oo iyagu intooda badan la sooma Sucuudiga maadaama uu maalgeliyo masaajida dalalka gaalada badankooda.


Haddaba Khabiir dhinaca cilmiga xidigaha ku takhasusey ayaa isagu qaba in sanadkan bisha Ramadaan bilaaban doonto Jimcaha 24 bishan Abril waayo ayuu yiri markaan xisaabiyay waxay ku dhacaysaa 24 bishan oo ah maalinta Jimcaha oo ka dhigan habeen dambe.


Bilaha Muslimiintu xisaabsadaan ee dayaxa ayaa ku dhamaada 29 ama 30 mana jirto bil ku dhamaata 31 sida kuwa gaalada ee aan adeegsano, markaas bisha Shacbaan maanta waa 28 aduunka badankiisa halka Sacuudiga oo maalin horeeyana u tahay 29 taas oo ka dhigan in berito oo Khamiisa ama Jimcaha midkood la iclaamin doono.


Si kastaba ha ahaatee wadamada qaar ayaa iyagu sheegay in Jimcaha ay tahay soon halka kuwo kalana welli sugayaan in ay arkaan bisha ama arki waayaan kadibna iclaamiyaan soonka.

Sanadkan ayaa bisha barakaysan ku soo beegantey xilli cudurka Kooro uu kala xirey aduunka Isla markaana joojiyay is-dhexgalka bulshada, mana jirto waqti ka fiican oo la badiyo baryada RABI si aad u hesho deganaansho nafeed.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.