X

Waxaan xooga saaraynaa ciidanka lugta: Wasiirka difaaca

Wasiirka gaashaandhiga ee dawlada Somaliya ayaa sheegay inay dawlada ka go’an tahay inay soo celiso awoodii ciidanka xooga dalka oo la burburey qaranka. Wasiir Xasan Cali ayaa sheegay in hawsha lagu baacsanayo argagixisada ay marayso meel fiican.


Wasiirka ayaa sheegay in ay dib u dhis ku samayn doonaan dhammaan Xeryahii Ciidanka Xoogga uu ku lahaa Dalka, isagoo intaa raaciyay in ay qeybo ka mid ah Gobollada Dalka ka hirgelinayaan talisyo kale si loo ballaariyo tayada iyo howl-gallada Ciidanka Dowlada.


Wuxuu xusay in ay haatan ahmiyadda siinayaan Ciidanka Lugta si ay u tirtiraan argagixisada oo dhalaankeena yaryar duufsatey kuna adeegata maadaama ayna lahayn caqli ku filan oo ku yiraahaan ani isma qarxinaayo.


Dhinaca cuna-qabataynta Hubka ayuu sheegay in ay guulo ka gaareen, taas oo ku xirnayn sida ay Dowladdu ugu fal-celiso la dagaallanka musuqa, habaynta miisaaniyadda iyo sare u qaadidda tayada Ciidanka taasina ay ka soo baxeen, wixii haatan ka dambeeyana ay filayaan in laga qaado.

Wadamo Ingiriisku ka mid yahay ayaa ku adeegta cunaqabatayna hubka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.