X

Waxaan ku rajaweynahay in Kiiniya kaga guulaysano boobka badeena:Kabtan Faarax

Kabtan Faarax Qarre oo ka mida xubnaha dawkada Somaliya u matalaya muranka Kiiniya ku rabto badeena ayaa sheegay in Somaliya ka guulaysansyso waayo aduunka oo dhan ayaa inagu raacsan in Kiiniya qaldan tahay.


Kiiniya oo ka faaiideysanaysa burburka dalka ay qayb ka tahay ayaa xadkeena awalba beenta ahaa u soo gashay ilaa 200 oo meyl kadibna u yeeratay shirkado shidaal u raadiya.

“Markii Kiiniya dhinaceena gudaha u soo gashay 200 meyl dowladaha caalamka ayaa noo qiray in Soomaaliya lagu xadgudbay” ayuu yiri kabtan Faarax Qare oo ka mid ergadii dowladda Somaliya u dirtay maxkamada dhexdhexaadinta.


Dacwada ayaa la filayaa inay sii socoto ugu badnaan laba sano inkastoo Kiiniya codsatey in la joojiyo si labada wadan uga wada hadlaan. Somaliya ayaa ku gacan saydhey codsigaa.


“Anaga waxaan ku adkeysanay in maxkamadda ICC qaado dacwada labada dal ayna ku kala baxaan dhinaca sharciga” ayuu mar kale yiri Faarax Qare oo sheegay in Kiiniya dooneyso sidii ay xuduudkeena ugu darsan laheyd halka ay calaamadeysay oo shirkad Norway ah ku sheegtay inay ka heleen gaaska dabiiciga ah.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.