Dawlada Somaliya ayaa sheegtay inay ku ganacsan tahay diidmada Qadar diidey inay wax shaqo ah ku leedahay warbixin uu qorey wargeys ka soo baxa Maraykanka oo lagu yaqaan been abuur.
Wargeyskan beenta lagu yaqaan ayaa qorey in dawlada Qadar ka dambeyso qaraxyo ka dhacay Puntland sibay yiraaheen ugu xumeeyaan dalka Imaaraadka ugana baxo dalka.
Dabcan Qadar iyo Imaaraadka oo dadkoodu gaarin 2 milyan ayaa hadda ku fadhiya malaayiin doolar oo si kibira ay maalgeliyaan wadamada faqiirka ah sida Somaliya, Afganistaan iyo Liibiya.
Wasiirka arimaha dibedda Somaliya Axmed Ciise ayaa sheegay inuu u yimid safiirka Qadar ee Soomaaliya, islamarkaana Soomaaliya ay ku qanacday sharaxaaddii uu arrintan ka bixiyey.
Waxaa uu sidoo kale sheegay Wasiir Axmed Ciise in dowladda Soomaaliya iyo Qadar ay si wanaagsan arintaasi uga wada hadleen, islamarkaana Qadar ay Caddeysay in aysan ka dambeyn Qaraxa lagu eedeeyay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS