Waxgaradka Gedo ayaa ku kala aragti duwan maamul cusub oo dadku dhisanayo. Dareenka maamulkan cusub ayaa imaanaya ayadoo dadka deegaanku saluugsan yihiin maamulka Jubba oo hal reer u badan.
Jubba ayaa waxa wada qaatey beesha Ogaadeen ayadoo beelaha kalana la siiyay kuraas liita, dhinaca wakiiladana ay ku yaryihiin. Maamulkan Jubba ayaa yimi markii ciidamada Kiiniya soo galeen dalka.
Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow iyo waxgarad kale ayaa iyaguna qaba in la hagaajisto maamulka Jubba oo ay jirto baahi ka xun tan lagu dhiso maamul cusub.
Ugaaska ayaa raaciyay in meel Luuq 2-km u jirta Nabadoon lagu gowracay, qof banaanka aadi karto malahan, marka waxaa la doonayaa oo kaliya in laga shaqeeyo sidii nabad loo dhalin lahaa”.
Waxgarad kale ayaa iyaguna qaba in maamul gobolku leeyahay uu u adeegi karo dadka deegaanka si dhow xaaladoodana ay ka warhayn doonaan.
Dadka badankiisa ayaa qaba in lagama maarmaan uu hayay maamul dadku samaystaan inta dalka laga xoreynayo argagixisada.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS