Tunis–Weerar argagixiso ayaa ka dhacay caasimada Tunis waxana halkaas lagu dilay tiro dad ah oo ajaanib ah oo aan waxba galabsan. Goobta ay weerareen argagixisadu ayaa ah madxaf u dhawaa xarunta barlamaanka xilli barlamaanka laftiisu ka doodayay sharciyo ka dhana argagixisada oo soo xoogeystay markii xukunka laga tuurey madaxweyinii kala ambeynta Bin Cali.
Ajaanibta weerarka lagu dilay ayaa waxa ku jira Ingiriis, Faransiis, Spain iyo qaarkale oo iyagu goobta madxafka ku sugnaa una yimi inay daawadaan qalabka yaala.
Argagixisada ayaa sii xoogeysatay kadib markii reer galbeedku burburiyeen dileena hogaamiyihii Libya Kolonel Gadafi.
Wararkii u dambeeyay ayaa sheegaya in ilaa sided dalxiisayaala la afduubey.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS