Xasuuqii habeen kahor lagu qaaday maqaaxi ku taal Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho laguna dilay in ka badan 30-qof oo shacab ah, ayaa noqday mid damqiyay quluubta shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan inta nabada jecel.
Waxa uu ahaa xasuuq aad u naxdtin badnaa oo lagu laayay dad badan oo bulshada Muhiim u ahaa sida Dhalinyaro u badnaa aqoonyahano jaamacado ka baxay iyo kuwa kale oo dhiganayay, Haween iyo Caruur ay dhaleen iyo dad kale oo bulshada qiimo badan ugu fadhiyay.
Meel kasto oo Soomaali joogto ayaa wali si weyn looga hadal hayaa xasuuqii dhiigmiiratada shabaab e diinteena ku qaraabta. Xasuuqan ayaa lagu qaaday maqaaxiyo ay dad shacab ah ku qaxweenayeen, waxaana dadku badi ay ahaayeen kuwa si weyn uga argagax weerarkaasi aanan ka go’eyn quluubta dadka Soomaaliyeed.
Baraha Bulshada kuwada xariirto gaar ahaan Facebooka aaya habeen hore ilaa xiligan noqday mid hadal heynta ugu badan ama sawirada lasoo dhigayo ay yihiin saameynta weerarkii xasuuqii argagixisdada Shabaab ku qaadeen Xeebta Liido.