Wefti ay hogaaminayso wasiirka dekedaha iyo maalgashato Qadari ah ayaa gaaray Hobyo. Ujeedada safarka wasiirka ayaa ah sidii dekeda oo madaxweyne Farmaajo dhagax dhigey loo maalgashan lahaa.
Shalay ayaa la sheegay in wafdiga Qadar ay u gudbi doonaan gobolada dalka si ay daraasad ugu soo sameeyaan Dekadaha u baahan dib u dhiska.
Madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqda inuu diidan yahay inuu dhagxaan dhigdhigo hadana halkii ku dhaafo. Qadar ayaa u muuqata inay ka faaiideysanayso ka bixida Imaaraadka.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS