X

Wefti ka socda Imaaraadka oo Muuse Biixi ugu yimi Hargeysa

Wefti ka socda Imaaraadka ayaa Muuse Biixi ugu yimi Hargeysa. Weftigan oo ah mid aad u hooseeya ayaa waxa ka waramay afhayeenka Muuse Biixi oo warka u qorey siduu rabo.

Weftiga Imaaraadka carabtu waxay madaxweynaha u muujiyeen in dal ahaana ka xumadeen hadalkii wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda imaaraadka ee sida qaldan loo turjumay, waxaanay sheegeen in ay qoraal rasmi ah kaga soo jawaabi doonaan arrintaasi.



 In Imaaraadka carabtu ay Somaliland ka caawiyaan adkaynta amniga, kana taageeraan ciidamada dhinaca qalab iyo tababarka.
In Imaaraadka carabtu ay ogollaadeen iibsiga xoolaha nool ee Somaliland, iyadoo si toosa loogu dhoofin doono imaaraadka.
Madaxda dalka imaaraadka carabtu waxay muujiyeen sida ay dal ahaan uga go’an tahay xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, iyagoo cadowga labada dal ku sifeeyey kuwo ka xun xidhiidhkooda isla markaana miciin biday warar qaldan oo qaybo ka mida warbaahinta la mariyo.



Madaxweynaha Somaliland, wuxuu ku bogaadiyey weftiga imaantinkooda, isagoo uga mahadnaqay sida fiican ee wax ku oolka ah ee ay uga soo jawaabeen qaybihii ugu horreeyey ee ballan-qaadyada waqtigii madaxweynuhu safarka ku tegay dalka UAE.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.