X

Weftigii Ugu Cuslaa Ee Khaatumo Oo Gaadhay Boocame oo hogaaminayo madaxweyne ku xigeenka

Wafdi Balaadhan oo uu Hogaaminayey Madaxwayne ku xigeenka Dawlad goboleedka khaatumo Cabdul Maxamuud Habye (Cago-lule) ayaa si balaadhan loogu soo dhoweeyay degmada Boocame ee Gobolka Sool.

Masuuliyiinta maamulka khaatumo ee degmada Boocame, Wasiiro iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa ka qayb qaatay soo dhowaynta Madaxwayne ku xigeenka, Waxaana intaasi kadib Madaxwayne ku xigeenku uu ka warbixiyey Safarkooda, Isagoona Bulshada boocame ku amaanay siday ugu taagnaayeen waqti dheer Halganka Maamulka khaatumo.

Isku soowada duubo magaalada ayaa markii ay ka war helen in madaxweyne ku xigeenka khaatumo soo socda waxaa isaga  baqoolay.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.