X

Welli waxa colaad nagu haya wahaabiyada Sucuudiga iyo imaaraadka: wasiir Axmed Siciid

Wasiirka arimaha dibedda Somaliya Axmed Siciid Cawad ayaa sheegay in welli Somaliya ay colaad u hayaan wahaabiyada Sucuudiga iyo Imaaraadka kadib markii aan qaadaney inaan dhexdhexaad ka noqono dagaaladooda u gaarka ah ee diimeed.

 


Wahaabiyada Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa dagaal diimeed iyaga u gaara Kula jira masaakiinta Yaman inkastoo dagaalkaas ay ku jabeen iyo Qadar oo taabacsan urur diimeedka akhwaan muslimiin.

 


Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ayna rabin inay ku dhexmilanto ururadaas diimeed ee is diidan oo ay haysato dhexdhexaadnimadeeda. Arin taas ku aadan ayaa madaxweyne Farmaajo u tagey dalalka Carabta qaar una sheego in Somaliya lagu qadariyo mowqifkeeda.

 


Wahaabiyada Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa bedelka taas saaray Somaliya cunaqabatayn qarsoon oo dhinac walba ah waxayna gaareen welina wadaan inay saldhigyo milatari ka samaystaan Berbera si ay ugu fushadaan hawlahooda Wahaabiyeed.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.