Saaka ayaa waxaa booliska magaalada cHristiansand ay shaaca ka qaadeen magacyada iyo waliba dhalashada laba ruux oo midi uu noqday wiil dhallinyaro oo Soomaali ah (14-ji), halka ruuxa kale ay noqotay haweeney Norwiiji ah oo 48-jir aheyd.
Labada ruux oo isla goobta lagu mindiyeeyay dhaawac ahaan looga qaaday ayaa cusbitaalka ku geeriyooday, waxaana ay xalay ku baryeen isbitalka iyadoo aan wali la shaacin dhalashadooda iyo dadka ay ahaayeen.
Wiilka soomaaliga ah ayaa magaciisa waxaa ay boolisku ku sheegeen Jacob Abdullahi Hassan (14.jir), waxaana uu dhiganayay fasalka 9-aad iskuulka hoose ee Fiskå ungdomsskole kaas oo maanta tacsi u taal.
Haweeneyda la dilay iyo wiilka ayay boolisku sheegeen in wax xiriir ah uusan ka dhaxeyn, balse ay baarayaan waxa keenay in labadooduba hal meel lagu wada dilo.
Wali ma cadda cidda dishay labadan ruux, booliskuna ma hayaan wado ay u raacaan.
Jacob ayaa lahaa shan walaalo ah, waxaana qoyskiisa iminka loo magacaabay koox ka samatabixisa marxaladdan adag ee soo food-saartay.
Booliska ayaa sheegay in wax xiriir ah uusan ka dhaxeyn labadan qof , balse ay baarayaan waxa keenay in labadooduba hal meel lagu wada dilo.
Wali ma cadda cidda dishay labadan ruux, booliskuna ma hayaan wado ay u raacaan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS