Wiilkii uu dhalay Jamaal Khasooqi ayaa war ka soo saaray xasuuqii aabihii oo gacanku dhiigle Salmaan uu u direy 18 sirdoon oo hilibkiisa jarjaray kadibna aashito raaciyay.
Aduunka ayaa hadda dalbanaya in ugu yaraan gacanku dhiigle Salmaan uu keeno meydka Jamaal Khasooqi taas oo ay adagtahay sida ay sheegeen dadka u dhuun daloola sida dilkan u dhacay.
Maraykanka iyo Yuhuuda ayaa khidad u dhigey oranaysa waxa diley koox aan la garanayn si ay u daboolaan.
Su’aalaha uu weydiiyay madaxweynaha Turkiga Erduqan ayaan dhamaantood laga jawaabin. Wiilkan uu dhalay Jamaal Khasooqi ayaa dalbadey in meydka aabihii uu Sucuudigu ku wareejo si uu si sharafa u aasto.
Wuxuu sheegay inuu aabihii ahaa qof faxala isla markaana naxariisleh. Wiilkiisan hadda hadley ayaa gacanku dhiigle Salmaan u ogoleyn inuu ka baxo dalka dilka kahor.
[embedyt] https://www.youtube.com/watch?v=rurbZCcDlAI[/embedyt]
Rashid Ceelaanyo
ARAABINEWS