Xaaska madaxweynihii hore ee dalkaasi Koofur Afrika Wini Mandela ayaa la xaqiijey geerideeda. Madaxweynaha iyo xaaskiisa ayaa la xasuustaa ayagoo gacmaha is haysta markii uu ka soo baxay jeelka.
Inkastoo ay is fureen sanadii 1996 hadana Wini Mandela waxay daysatey magaciisa waxayna la lahayd xiriir toosa Nelson Mandela oo isagu guursadey xaaska madaxweyne kale oo geeriyoodey.
Wini Mandela ayaa lagu xasustaa halgganka dheer ee ay u gashay sii deynta ninkeeda iyo diidmada ay kala hortimi nidaamkii tirada yaraa ee cadaanka soo guurey ee haystey dalkaasi.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS