X

Woqooyiga Kuuriya oo qarxisay hubkii ugu cuslaa oo ka gariiriya Maraykanka

Woqooyiga Kuuriya ayaa qarxisay hubkii ugu cuslaa oo ka gariiriya Maraykanka. Woqooyiga ayaa saakadii hore ee saacada dalkaasi ka gariirisay buuro ku yaala dalkaasi.

Woqooyiga Kuuriya ayaa sheegtay in hubka ay qarxisay uu yahay nooca loo yaqaano Haydarojiin ama hawo oo inta badan ka qarax weyn nooca kale ee loo yaqaan atamka.



Maraykanka ayaa ka naxay wuxuuna sheegay in uu cambaareynayo mase jirto awood uu leeyahay oo uu wax kaga qabto. Khuburada Maraykanka ee runta ka sheega arimahan ayaa sheegay in Woqooyiga loo geli Karin.

Wadamada Jabaan iyo Koofurta Kuuriya oo la jaara ayaa iyagu sheegay in hubkan si xun uga gariiriyay buuraha uu Woqooyigu ku tijaabiyo hubka Nukliyeerka.



Shiinaha ayaa isagu cambaareeyay halka Ruushkuna sheegay in sheekadu ku fiican tahay wadahadal oo aan waxba lagu gaareyn cunaqabatayn iyo hanjabaad.

Woqooyiga Kuuriya ayaa waxa xukuma dad caqli leh ogna in gacmahooda at ku ciilbixi karaan inkastoo dadkoodu baahan yihiin laakiin hadana haystaan nolol ka fiican aduunyada badankeeda.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.