X

Woqooyiga Kuuriya oo tijaabiyay hubka lidka diyaaradaha oo casriya iyo Maraykanka oo ka naxay

Woqooyiga Kuuriya ayaa tijaabiyay hubka lidka diyaaradaha oo casriya iyo Maraykanka oo ka naxay. Maraykanka ayaa inta badan ku dila wadamada uu weeraro diyaarado farabadan oo cirka ka weerara.

Gantaaladan lidka diyaaradaha ayaa naxdin ku ah Maraykanka ayadoo Woqooyiga Kuuriya haysato awooda nukliyeerka oo ay isticmaali karto haddii khalkhal la geliyo jiritaanka dalka.



Wadamadii uu weeraray Maraykanku sida Ciraaq, Liibiya iyo Siiriya ayaan haysan awood difaac oo dhinaca cirka oo casriya inkastoo awooda dhulka ay ku xooganayaan oo aan la soo mari Karin.

Hogaamiyaha da’da yar ee Kuuriya laakiin caqliga leh ayaa goobjoob ka ahaa hubkan lidka diyaaradaha oo ridadoodu dheertahay waxana la arkey asagoo qoslaya markuu arkey sida saxda ah ee ay diyaaradaha soo ridayaan.

Woqooyiga Kuuriya ayaa bishii hore tijaabisay gantaalo ridadoodu dheertahay oo gaaraya gudaha Maraykanka.



Hubkan lidka diyaaradaha ayaa eber ka dhigeysa fursada u furan Mraykanka ee uu kaga adkaan karo si caadiya dalkaasi Woqooyiga Kuuriya.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.